ONLF oo eedeysay Madaxweyne Cagjar

Madaxeynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa ururada mucaaradka deegaankaasi ku eedeeyay in ay hayso fahan daro siyaasadeed, xilli doorashada dalka ay ka harsantahay muddo labo todobaad ka yar.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta ka hadlayay munaasabad xarigga looga jarayay isla markaana lagu dhagax dhigayay wadooyin cusub oo laga hirgalinayo caasimadda deegaanka ee jigjiga.

Hadalkiisa ayaa imaanaya, iyadoo xukuumadda iyo ururada siyaasaddu ay isku hayaan sidii cid waliba ay u kasban lahayn kalsoonida dadka codbixiyeyaasha ahi ee dhawaan codkooga ka dhiiban doono doorashada loo ballansan yahay.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaaddir Xasan Hirmooge, caddaani ayaa ka falceliay hadalka madaxweynaha, waxaana uu sheegay in Maamulkiisa uu fashilmay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Shacabka dowlad degaanka aysan helin adeegyada ay u baahan yihiin xilli Canshuur laga qaado.