Maamul cusub oo loo magacaabay degmada walaweyn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Maamulka cusub ee Degmada walaweyn u magacaabey Ismail Abukar Mohamed guddoomiyaha Degmada,Yaxye Qaasim Abdullahi Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Abdiqani Mohamed Hassan Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Degmada walaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.