Doorashada Somaliland: Hooyo iyada oo codeyneysa ay foosha qabatay

Hooyo kamid aheyd dadkii codkooda ka dhiibanayay doorashada ka socota Somaliland ayay foosha qabatay xilli ay safka ku jirtay.

“Waxay ku umushay xannaanada xaafadda Daami”, baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa hooyadan, waxaana sawirkeeda soo badnhigay Barkhad Jaamac Katuun oo kamid ah dadka u tartamaya Xildhibaannada Golaha Wakiilada.

“Hooyo ku jirta safka codeynta oo codkeeda rabta in ay dhiibato iina codeyso ayaa ku umushay hadda Xannaanada Xaafadda Daami! Wiil ayey umushay, waxaanay u bixisay Bᴀʀᴋʜᴀᴅ ayuu yiri” Musharax Barkhad.

Waxaa si habsami leh deegaannada  Somaliland uga soconaya doorashooyinka dowladaha hoose iyo kuwa golaha wakiillada.

Doorashadan oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxa ay noqonaysaa middii todobaad ee Somaliland ka dhacda tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay isaga go’day Soomaaliya inteeda kale soddon sanadood ka hor.

Markii ugu horraysayna waxaa tartanka doorashada ka qeybgalaya xubno ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland.