Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal ku dishay Saraakiil Shabaab ah

Faah Faahin dheeraad ayaa kasoo baxaya howlgallo Ciidanka xoogga dalka Soomaalieed kawadaan degaano katirsan Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan degaanka Galka Xarareeey, ee Gobolka Shabeellaha dhexe, kadib markii Ciidamadabay degaankaas weerareen, waxaana ay dagaal xoogan kula galeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 37 Xubnood 20 kalena lagu dhaawacay, sidoo kale ay Ciidamada nolosha ku qabteen laba Xubnood.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu hadalkiisanuu intaasi ku daray in Xubnaha howlgalka lagu dilay uu kujiro Sarkaalkii u qaabilsan Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo Sarkaalkii hoggaaminayay Ciidamada, kaas oo Magaciisa lagu sheegay  (Macalin Yuusuf).