Wasiir Gama’diid oo Xukuumadda uu ka tirsan yahay ku Eedeeyay in aysan wax ka qaban fatahaadaha ( DHAGEYSO)

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Xilgaarsiinta Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid ) ayaa Eedeen u jeediyay Xukuumadda uu ka tirsan yahay taas oo ku saabsan fatahaadaha Hir-Shabeelle

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dowladda Dhaxe ee Soomaaliya aysan daacad ka ahayn wax ka qabashada fatahaadaha ku soo laab laabtay deegaanada Hirshabeele .

Waxa uu tilmaamay in Mashaariic badan oo loogu talagalay wax ka qabashada fatahaadaha deegaanada ay dowladda is hortaag ku sameysay, welina caqabada fatahaada ee deeganada Hirshabeele ay taagan tahay .

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degaannada  Hirshabeele in ay isku tashadaan balse aysan cidna wax kasugin.

Waxaa isa soo taraya Eedeymaha loo jeedinaayo dowladda Soomaaliya ee la xariira in ay ka gaabisay wax ka qabashada fatahaadaha kajira degaanada Maamulka Hir-Shabeelle iyo Is hortaag ay ku sameysay mashaariic loogu tala galay in wax looga qabto fatahaadaha.