Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Kenya ku leeyihiin degaan hoostaga Gobolka lamu ee dalkaasi Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Saldhiga Ciidamada Kenya ku sugan yihiin ee la weeraray ayaa waxaa uu kuyaal deegaanka May-gaay oo katirsan gobolka Lamu, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in la badan laba Saacadood, kaas oo dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka ku nool Aaga deegaanka May-gaay oo katirsan gobolka Lamu ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn xoogan ku yeeshay dagaalka, iyada oo mararka qaar xaafadaha degaanka ay ku dhacayeen rasaasta la isku adeegsanayay.

Taliska Ciidamada Kenya ee Gobolka lamu weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab  marka laga reebo saameynta uu ku yeeshay Bulshada ku nool deegaanka May-gaay oo katirsan gobolka Lamu.

Weerarka dhacay deegaanka May-gaay oo katirsan gobolka Lamu ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeen ka hor Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin Gobolka Wajeer.