Sheekh Shariif & Taliyaha Booliska oo kulan yeeshay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliueed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Kulan ay yeesheen ayaa waxaa ay uga wada hadleen labada mas’uul arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin.

Waxaan is hoga tusaaleyney muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliueed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xalay waxaa uu Hooygiisa uu ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamed, iyaga oo ka wada hadlay amniga musharixiinta.