Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan dhinaca Khadka Internetka ah ee Aalada ( Zoomka) waxaa uu kula qaatay xubno katirsan Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Qoraal uu Wasiirka soo dhigay Barta twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay ka wada hadleen dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya & taageerada Bangiga ee xiligan oo Soomaaliya lagu jiro waqti kala guur ah.
“Waxaan ka wada hadalnay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya & taageerada Bangiga. Bangigu wuxuu leeyahay ama uu sii wadaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dib-u-habeynta & horumarinta dhaqaalaha ayuu yiri” Wasiir Beeyle.
Xubno katirsan Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhankooda waxaa ay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle la wadaaegeen tallooyin ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan sheegay in dhaqaale la’aan ay soo wajahday Dowladda Soomaaliya, kadib markii Caalamka uu ka goostaya lacagihii ay ka heli jireen.