Isbuurasho ka dhacday Waqooyiga Israa’iil oo ay ku dhinteen 44 qof

Tobanaan qof ayaa ku dhintay isbuurasho xaflad diimeed ka dhacday waqooyi bari Israa’iil.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Yahuuda ee Magen David Adom (MDA) ayaa xaqiijiyay dhimashada inkastoo aanay sheegin tirada saxda ah ee dadka geeriyooday, haseyeeshee mas’uuliyiinta gurmadka degdeg ah ayaa sidoo kale sheegay in tobanaan qof ee kale kale ay ku dhaawacmeen dhacdadaan.

Wargayska Haaretz ayaa sheegaya in ugu yaraan 44 qof ay dhimatay iyadoo adeegyada gurmadka degdegga ahna ay daad gureynayaan dadka dhaawacmay.

Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhacdada ku tilmaamay “musiibo culus”, wuxuuna sheegay “in uu u duceynayo” dadka ay wax yeellada ka soo gaartay.

Munaasabadda oo la yirahdo Lag B’Omer oo ka dhacday dhul-dhaca Buurta Meron, waa bandhiggii ugu ballaarnaa ee lagu qabto Israa’iil tan iyo markii fayraska corona uu bilowday.