Taliyihii Saldhiga degmada Shibis oo lagu magacaabo Farxaan Jaraay, ayaa la sheegay in uu ku biiray ciidanka ka soo horjeeda Dowladda ee fadhiisinka u tahay Aagga Mirinaayada.
Waxaa uu sheegay in uusan aqbali doonin lagu dul dagaallamo Shacabka ku sugan Caasimadda.
Taliye Farxaan Jaraaye ” Anigu isma dhiibin ee waxaan arkay in dadka lagu kor dagaalamayo ay yihiin dadkeyga, waxaana u tagay walalahayga”.
Isagoo hadalka sii wata ayuu baaq u diray Ciidanka Booliiska isagoo sheegay in ay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, dadkoodana ay garab istaagan maadama Farmaajo dulmi iyo dhaqan gelinta muddo korarsi sharci darro ah uu wado.



