Idriss Deby wiilkiisa oo loo magacaabay Hogaamiyaha dalka Chad

General Mahamat Kaka, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii muddada dheer maamulayay Chad Idriss Déby, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha waddanka, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa afhayeenka ciidanka.

Mahamat wuxuu horey u noqday taliye ku xigeenka labaad ee hogaamiya ciidamada qalabka sida ee faragalinta Chad ee waqooyiga Mali (FATIM).

Mahamat wuxuu markii ugu horreysay iska diiwaangaliyay Isku-dhafka Wadajirka ah ee iskuulada militariga ee Chad. Kadib wuxuu tababar ku qaatay Faransiiska, dugsiga militariga ee Aix-en-Provence.

Geerida Idriss Debby waxa ay walaac weyn ku abuuraysaa galbeedka oo u arkayay Idriss hogaamiye in badan la dagallamayay argagixisada Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika.

Waxa uu xulufo awood badan la ahaa galbeedka oo taakulo badan oo dhaqaale siin jiray dalkiisa oo ugu horreeyaan Maraykanka iyo Faransiisku. Dhimashadiisa maanta kadib wiilkiisa oo 37jir ah ayaa talada dalka la wareegay isaga oo hogaaminaya golaha millatariga ee dalkaas