Taliska Guutada 5aad qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgallo ka sameeyey degaanada Baar, Jaambeyroow, iyo Caloolacad, oo dhinaca Galbeed kaxiga Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan
Hawgalkan uu hoggaaminayey Taliyaha Guutada 5ad QB.27aa Ciidanka Dhulka XDS ayaa jeedkiisu ahaa sidii looga hortegi lahaa Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro geysta, waxaana la sheegay in la Burburiyay goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 5aad qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka ayaa sheegay in Ciidanku ay guri guri u baareen guryihii ku yaalay degaankaas, isla markaana Ciidamada ay burburoyeen goob ay Al-Shabaab ku farsamayn jireen walxaha qarxa
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ka socda Deegaanada Gobolka Hiiraan, si loo xaqiijiyo amniga degaannadaas.



