RW Suudaan oo ka baaqday kulan looga hadlayo Muranka Dhismaha Biyo-xireenka

Xilli ay weli xiisad ka taagan tahay Khilaafka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ayaa waxa uu RW Sudan, Cabdalla Xamduuk waxa uu ugu baaqay dhigiisa dalalka Masar iyo Ethiopia inay isagu yimaadaan Shir Saddex Geesood ah.

Kulankaasi waxay Saddexda RW  kaga arrinsan doonaan Muranka Dhismaha Biyo-xireenka iyo Saami-qeybsiga Biyaha Webiga Nile.

Farriin Qoraal oo uu RW Sudan, Cabdalla Xamduuk u kala diray RW Masar, Mustaf Madloobi iyo RW Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu kaga codsaday inay Kulan isugu yimadaan 10-ka maaalmood ee soo socota,si ay u qiimeeyaan  Khilaafka Gaamuray ee dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ee (The Grand Ethiopian Renaissance Dam).

Waxa uu kaloo sheegay in loo baahan yahay in laga wada xaajoodo, lagana heshiiyo Ikhtiyaraadka ama Xulashada suurtogalka ah (Possible Options) ee xal-u-helista Khilaafkaasi.

RW Sudan waxa kale oo uu qoraalkiisa ku muujiyey inuu heer dhamaad dhimasho leh gaareen Wada-xoojada, xilli uu Dhismaha Biyo-Xireenka GERD uu gaaray Heer Horumarineed.

Waxa uu hoosta ka xariqay in loo baahan yahay in Heshiis Saddex Geesood ah la gaaro, ka hor inta aan la bilaabin Hawlgalka inay daruur iyo xaallad degdeg ah.

RW Sudan waxa uu ku baaqay Cusbooneysiinta Ballanqaadkii Siyaasadeed ee ay saddexda Dowladood Heshiiska ku kala saxiixdeen bishii March 23-dii ee sanadkii 2015-kii.

Qaddiyada Biyo-xireenka GERD ayaa noqotay Caqabad soo taagnayd 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna Dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiopia khatar ugu jiraan inuu dhex maro Dagaal, iyadoo Madaxweynaha Masar, C/Fataax El-sisi horey uga digay Hawlgal Dagaal oo aan la saadaalin karin  saamaynta uu ku yeelan karo Mandiqada.

Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia oo la bilaabay sanadkii 2011-kii waxaa laga dhisayaa  Gobalka Benishangul-Gumuz oo 45 KM dhanka Bari kaga toosan Xuduudka Sudan,.