Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ugu baaqay KooxdaTaalibaan in ay joojiyaan dagaalka ayna ilaaliyaan xabad joojinta inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Farriinta uu soo diray bilawga bisha Ramadaan oo maanta kow ah kooxda taalibaan, ayaa Ghani ka codsaday in ay caddeeyaan rabitaankooda ah in nabad bisha barakeysan lagu dhameysto, taasi oo uu tilmaamay in ficil ahaan ka dhigaan.
Dhanka kale, fariimo kaladuwan oo ay direen Qaramada Midoobay, Kanada iyo Midowga yurub ayaa loogu baawqay dhinacyada dagaalamaya in ay xabada joojiyaan inta lagu jiro bisha barakeysan.



