
Dhawaan Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka COVID-19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.
Amb, Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda Shiinaha ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hfaa’iideystaan.



