Guddigii xukuumaddu xilgarsiinta u saartay baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun oo Maanta galka Baarista kiiskaas ku wareejiyey xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.
Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Warsheere oo kamid ah Ehellada Guddoomiyihii degmada Hodan ayaa sheegay in baaritaanka dhacdada lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay bilaabeen 28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan, isla markaana natiijadii soo baxday ay u gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.
Waxaa uu hadalkiiss uu intaasi ku daray in dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan aysan aheyn mid la qaadan karo ka maamul ahaana ay daba socon doonaan ilaa uu cadaalad ka helo.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale aya sheegay in muddo laba Bilood ah ay ku qaadatay baaritaanka dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan, kaas oo uu sheegay in meel wanagsan ay soo gaartay.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun.



