Wada-hadalladii Masar, Sudan iyo Itoobiya oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Masar, Sudan iyo Ethiopia ayaa ku guul-darreystay inay wax horumar ah ka sameeyaan wada-hadalladii ugu dambeeyey ee uu soo agaasimay Midowga Africa, ee xalka loogu raadinayey muranka ka taagan biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameyneyo webiga Nile.

Wasiirada arrimaha dibedda iyo kuwa waraabka ee saddexda dal ayaa ku kulmay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Congo oo iminka ah gudodonka ururka Midowa Afrika.

Wareeggii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ayaa isku dayayey inay heshiis looga gaaro sidii dib loogu billaabi wada-xaajoodka ku saabsan howlgalka ay Ethiopia ku buuxineyso biyo-xireenka.

Si kastaba, kulanka oo socday afar maalmood ayaa soo dhammaaday ayada oo aan heshiis la gaarin, kadib markii Ethiopia ay diiday qorshe ay soo jeedisay Sudan, oo Masar-na ay taageertay, oo ahaa in dhex-dhexaadiyayaal caalami ah laga qeyb-geliyo wada-hadallada, sida ay sheegeen Masar iyo Sudan.

Diblomaasiga ugu sarreeya Masar ayaa sheegay inay murankan gayn doonaan Golaha Ammaanka ee QM.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “Ethiopia aysan geli karin heshiis diidaya xuquuqdeeda iminka iyo tan mustaqbalka ee isticmaalka webige Nile.”

Masar ayaa horey u sheegtau in kulankii ugu dambeeyey ee Kinshada uu ahaa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaari karo kahor inta aysan Ethiopia dib u billaabin buuxinta biyo-xireenka.

Ma cadda waxa xigi doona, hase yeeshee Masar ayaa dhowaanahan jeedineysa hanjabaado la xiriira xiisadda.