Howgal qaatay 48-saac oo ay ciidanka amniga Puntland Puntland Security Force PSF ku qaadeen degaannada Baraagaha Madax Madow iyo Dhabancaddo Ee Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Balidhidin ee gobolka Bari ayaa lagu beegsaday goobo ay Daacish ku sugnaayeen .
Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsanaa ururka Daacish.
Waxaa kale oo gabi ahaanba ay ciidamada PSF burburiyeen xaruntii ay Daacish halkaas ku lahaayeen oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad badan oo ay Daacish lahayd; isla mar ahaantaana waxay ciidamadu gubeen 2 gaari oo ay ku xireen Qaraxyi.
Intii howlgalkani socday waxaa jirey khasaare aad u kooban oo ka soo gaaray ciidamada PSF sida uu sheegay taliska ciidanka Puntland.



