SAWIRO:-Ciidamada dowladda oo howlgal ka wada Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyaeed aya howlgal ay ku baadi goobayaan Xubnao ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay maanta ka wadaan degmada Awdheegle iyo duleedkeeda ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa uu daba socdaa dagaal habeen ka hor Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Awdheegle, dagaalkaas oo sababay khasaaro dhmasho iyo dhaawac ah oo aad u badan.

Taliyaha ururka 143 ee guutada 14 october Dhamme Ahmed Xasan Siyaad ayaa Idaacada Ciidamada u sheegay in lagu raad joogo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan tuulooyinka u dhow dhow degmada Awdheegle.

Dhamme  Ahmed Xasan Siyaad Waxa uu sheegay in Howlgal lagu soo qabtay Xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana uu joogsan doonan ilaa degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka saaraan Al-Shabaab.

Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa habeen kahor ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah kadib markii ay degaankaas weerareen Al-Shabaab.