Wasaaradda gaashaandhigga dalka Japan ayaa shaacisay in laba kamid ah askartooda ka howgalla Biyaha Soomaaliya ee u jooga la dagaalanka Burcad Baddeeda Soomaalida laga helay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Japan ayaa waxaa lagu sheegay in askartaas ootiro ahan gareysa Afar Askari oo Xaruntoodu tahay dalka Jabuuti, isla markaana ay geli doonaan karantiil, sidoo kalena baaritan lagu sameyn doono askarta kale oo ay la macaamileen.
Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in Afarta askari xaaladooda caafimaad haatan lagula tacaalanayo Xarun Caafimaad oo ku taal Xerada ay ku nool yihiin ee dalka Jabuuti, isla markaana Caafimaadkooda uu yahay mid wanaagsan.
“ Howlgalka ay ciidamadeena ka wadaan biyaha Soomaaliya ma carqaladeyn kiisaska cudurka coronavirus ee la soo wariyay ee waan sii wadanaa, waxaana rajeyneynaa in uusan ku faafin askarta kale ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Japan.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii laba kamid ah Askarta Japan ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya laga helay cudurka COVID-19, waxaana haatan ay gareen ilaa lix askari, iyada oo laga cabsi qabo in uu kusii faafo cudurka.



