
Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xalay Magaalada Muqdiso, kaas oo ay ku dhinteen dhalinyaro farabadan oo badanood Shacab ahaa.
Qoraalo kala gooni gooni ah oo ay soo saareen xubnaha Midowga Musharixiinta oo ay kujiraan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku cambaareeyeen qaraaas, iyaga oo tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxa.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tacsida dhalinyaradii caawa qaraxa lagu dilay, anigoo marka hore tacsi u diraya dhammaan qoysaska dhalinyaradaas mustaqbalka u ahayd dalka ee naftii haliga qariban oo Shabaab ka tirsan uu ku qarxiyay degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.
Waa musiibo u baahan in guud ahaan shacbi iyo madax gacmaha la isku qabsado, loona istaago sidii looga hortagi lahaa Argagixisada Shabaab, gabi ahaanna Dalka oo dhan laga xorreeyo.
Ugu dambeyntii waxaan hay’adaha amniga ee Qaranka ugu baaqayaa inay waqtigooda galiyaan ka hortagga cadowga argagixisada oo ay iska diidaan in Siyaasad lagu mashquuliyo.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaan murugada la qeybsanayaa ummadda Soomaaliyeed & ehaladii ay ka baxeen dhallinyaradii ku geeriyootay qaraxii caawa ee Muqdisho, askartii iyo saraakiishii lagu dilay duleedka Dhuusamareeb maanta & askartii cadowgu ku laayay Bariirre. Waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa Janno.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Hassan Cali Kheyre
Waxaan guud ahaan shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka baxeen uga tacsiyeynayaa dhalinyaradii galabta lagu xasuuqay qarixii ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Waa dhacdo kale oo naxdin leh, quluubteenana murugo ku reebi doonto. Waana dhacdo kale oo muujineyso arxan-darada cadowga caadeystay xasuuqa umadda Soomaaliyeed ee argagixisada Shabaab.
Inkasta oo geeri oo dhan ay xanuun badantahay, hadana si gaar ah ayaan uga xanuunsadaa, ugana danqadaa marka aan maqlo in cadowgu ay xasuuqeen dhalinyaro noqon lahaa ubixii dalkan ee beri, mustaqbal iyo aayo nololeed oo ifiyana lahaa.
Inaa Lilaahi, wa inaa Ileyhi raajicuun.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur
Waxaan muragada xanuunka badan la qaybsanayaa qoyska, ehelka iyo saaxiibada dhalinyarada ay caawa argagexisadu ku xasuuqeen Xaafada Shangaani. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha naga siiyo, janadii Firdawsana Allaha ku abaal mariyo. Hay’adihii amniga iyo sirdoonka waxay waajibkii amni iyo sirdoon ee looga hortegi lahaa argagexisada, laguna badbaadin lahaa shacabka u weeciyeen siyaasiyada iyo xaqiijinta damaca shakhsi xilkiisii dhamaaday, kuna fashilmay masuuliyadii loo igmaday. Waxaan rajaynayaa in shacabka Muqdisho ay ka dhiidhiyaan hooga iyo silica ay ku jiraan.



