Mid kamid ah Kolonyo Gaadiid ah oo ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Mooto Bajaaj waxaa uu ku jiiray Isgoyska Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qof ku sugnaa Isgoyska Howl-Wadaag ayaa Risaala u sheegay in laba Haween ah oo saarnaa Mooto Bajaajta ay geeriyoodeen halka wadihii Mooto uu soo gaaray dhaawac culus, kaas oo loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaal Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ee ku sugan Isgoyska Howl-wadaag ay isku dayeen inay celiyan Gaadiidka AMISOM ee dhibatada geystay balse ay si awood ah u baxsadeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka mid kamid ah dadka Goobjoogayaasha ahaa.



