Taliska Ciidanka xoogga dalka qaybta 21-aad ayaa ciidan dheeraad ah geeyey deegaanka Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud, ka dib markii dhowr jeer deegaankaas miinooyin ku aaseyn waddada Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in u jeedka howlgalada loo sameynayo ay tahay sidii loogu hor tagi lahaa Al-Shabaab mararka qaarkood si dhuumaaleysi ah ku soo gala degaanka.
Saraakiisha Ciidamada Guutada 15aad ayaa Ciidamada ka dalbday inay adkeeyaan amniga degaanka, isla markaana ay ka hortagaan weerarada iyo miinooyinka ay Al-Shabaab ku Aasaan wadada xiriirisa degaanka Ceeldheere iyo Magaalada Dhuusamareeb.
Dhowr jeer ayaa wadada Ceeldheere waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo lagu dilay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya, waxaana haatan Saraakisisha Ciidamada ay sheegeen in amniga uu yahay mid la isku haleyn karo.



