Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Nasiib-Buundo dhinaca degmada Kaaraan gaar ahaan wadada hormarta Hotelka Orientel.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lala eegtay gaari Qooqan Helux ah oo uu watay taliyaha cusub ee ciidanka ilaalinta degaanka oo lagu magacaabo G/Sare Maxamed Carabow Cali.
Inta la xaqiijiyay qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex Askari oo kamid ah ilaalada Taliyaha, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay Miinooyinka soo boodada ah, waxaana qaraxa Maanta uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor qarax Miino oo ka dhacay degmada Deeyniile lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya.



