War Qoraal ah oo kasoo baxay Maanta Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Galmudug ayaa mar kale waxaa ay kordhisay fasaxa goobaha Waxbarashada ee Deegaanadeeda.
Amarka kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa sidaan u qornaa:- “Sabti 20 Maarso 2021, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ce Dowlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyada oo tixraaceysa war saxafiadeedkii soo baxay 9-kii Maarso ee Sanadkan kuna saabsanaa xakamaynta Mawjadda labakaclaynta ee Caabuqa coVID19.
1.Waxey markale waqtiga ukordhineysaa xirmaanshaha goobaha Waxbarashada sida
<span;>Iskuullada iyo Jaamacadaha, waxa ay fareysaa dhammaan ardayda, waalidiinta, maamulayaasha dugsiyada iyo guddoomiyayasha jaamacadaha inay u hoggaamsaman ii ximaanshada goobaha Waxbarashada muddo sadex(3) toddobaad ah oo ka bilaabaneysa 20 Maarso ilaa 8 April 2021 Wasaarnddu waxa ay garwaaqsantahay tallaabada lagu xiray goobaha Waxbarashada in ay qayb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo faafidda heerka 2aad ee Caabuqa Covid-19 ee loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.
Qodobkaan 2-aad ayaa Maamulka Galmudug Waxaa ay ogalaansho siisay in Waxbarashada ay u dhamaystiran Iskuulada fasalada shahaadiga ah sida sideedaadka iyo kuwa fasalada dugsiyada sar sare, iyada oo fartay goobaha wax barasha in wax kabadan 15 arday aysan meel iskugu keenan.
2 “Dhamaystirka casharada ardayda shahaadiga ah.
Hadaba si fasalada shahaadiga ahi e (F8 & F4) ugu diyaar garoobaan imtixaanka sanadka, loogana hortago faafidda cudurka cOVID-19. Wasaandda Waxbarashada, Hiddahaiyo Tacliinta Sare ee Dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ku wargelineysaa in loo dhaamays tiro cashada dhiman, sidookalena Macalimiinta, Ardayda, Shaqaalaha goobaha Waxbarashada, Waalidiinta iyo guud ahaan cidwalba oo ku lug leh adeegyada waxbarashada in ay raacaan tilmaamaha hoos ku xusan:
(I) Inaan Fasal la fadhisin ama layskugu gayn wax ka badan 15 arday, kursi iyo miis toona lawadaajin, kalana fogaadaan inta lagu jiro fasallada iyo guud ahaan goobta waxbarashada intii suuragal ah.
(II) In macalimiinta Dugsiyada ay ardayda ku ilaaliyaan u hoggaansanaanta iyo ku dhaqanka habraacyada ka hortagga Covid-19 ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oc Galmudg iyo tan XFS In la xaqijiyo in dhammaan ardayda iyo macalimiinta ay xirtannAfSab/Af-xirka (Mask).
(III) In albaabada Dugsiyada la dhigo qalabka lagu hubiyo heerkulka jirka islamarkaana lagu hubiyo qof walba oo soogalaya goobaha waxbarashada.In albaabada Dugsiyada la dhigo agabka faro-dhaqashada lana faro in ay ardaydu sijoogta ah u isticmaalaan.
(VI) In ardayda lagu kor joogteeyo fulinta habraacyada ka hortagga cudurka Covid-19.
V. In dugsi walba uu magacanbo masuul u xilsaaran arimaha dabagalka iyo hirgelinta Habraacyada ka hortagga cudurka COVID-19.
In Dugsi kasta sameeyo guddiyo wacyi gelin oo ka kooban macalimiin, walidiin iyo horjeegeyaasha-fasallada.
IX. Gudoonka waxbarashada Dagmada ayaa u xilsaaran Fulinta Amarkaan.
Wasaaradda waxa ay maamulka iyo macalliminta goobaha Waxbarashada ka codsanaysaa in ay mas’uuliyad iska saaraan lasocodka xaaladaha ardayda dhigata goobahooda Waxbarashada, una sameyaan madal ay ku kala warqaataan, waalidiintana waxaa si gaar ah looga codsanayaa inay caruurtooda ku booriyaan in ay ku sugnaadaan guryahooda, ayna akhristaan casharooda, sidoo kale waxa muwaadinkasta loogn baahanyahay inuu mas’uliyad iska saaro badqabka naftisa iyo tan bulshada uu la noolyahay”. aya lagu yiri warka kasoo baxay Maamulka Galmudug.



