Wasiirka xajka iyo cumrada oo shaqada laga eryay

FILE PHOTO: Saudi Haj Minister Mohammed Benten speaks during a virtual news conference, following the outbreak of the coronavirus disease (COVID-19), in Riyadh, Saudi Arabia June 23, 2020. Saudi Press Agency/Handout via REUTERS/File Photo

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan ayaa eryay Mohamed Benten oo ah wasiirka xajka iyo cumrada, waxaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay door hoggaamineed ka leh abaabulka xajka sanadlaha ah ee Islaamka.

Wasiiru dowlaha wasaradaasi, Issam ben Saeed, ayaa  loo magacaabay sii hayaha wasiirka.

Xajka iyo Cumrada, oo soo saari jiray balaayiin doolar sanad walba ka hor intaan musiibada Karoonaha aysan  dhicin, ayaa ah isha ugu weyn ee dakhli ka hesho dowladda Sacuudiga.

Boqortooyada, oo sumcaddeeda ku leh ilaalinteeda goobaha ugu karaamada badan ee Islaamka ee Maka iyo Madiina iyo abaabulkeeda nabadeed ee xajka, ayaa si xoog leh dib ugu soo celisay xajkii sanadkii hore si looga hortago faafitaanka cudurka ‘coronavirus’, ka dib markii ay Muslimiinta ka hor istaagtay in ay cibaadaysato markii ugu horreysay sababo la xariira Covid 19.