Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal cir iyo dhul ah ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada dhexe halkaas oo ku yaalla Saldhig ay leeyihiin ururka Al-Shabaab.
Howlgalka oo dhacay shalay galinkii dambe ayaa waxaa lagu bur buriyey fariisimihii Al-Shabaab ee deegaanka waxaana ciidanku ooda ka qaaday maxaabiis badan oo u xirnaa sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay xubno ka mid ah ururka Al-Shabaab sidda lagu sheegay war kasoo baxay ciidanka xoogga dalka.
Sarkaal ka tirsan saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa u sheegay warbaahinta howlaglka oo saacado socday in lagu soo afjaray Al-Shabaabkii ku sugnaa degaankaasi oo uu sheegay in ciidanka dowladda ay soo weerari jireen.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay burburiyeen Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo ku taalla degaankaasi.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay howlgalkaan ay sheegeen ciidanka xoogga dalka in ay qaadeen.



