Shirkii u dhaxeeyay Guddiga qaban qaabada banaanbaxa Sabtida oo fashil kusoo dhamaaday

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulankii Guddigii qaban qaabada bannaan baxa Sabtida  maanta ka dhacay Hotelka Decale.

Kulanka ayaa looga hadlayay sugitaanka Ammaanka banaanbaxayaasha, waxaana goobta ku sugnaa masuuliyiin ka kala socday dowladda iyo Midowga Musharaxiinta.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka uu kusoo dhamaaday fashil ka dib xubnihii ka socday dowladda ay dalbadeen in goobta bannaan baxa lagu qabanayo la bedelo oo ahaa Daljirka Dahsoon.

Xubnaha ka socday Midowga Musharaxiinta ayaa ku adkeystay in bannaan baxa aan goobta laga bedeli karin, gaar ahaan in Daljirka Dahsoon ay muddo dheer iclaamiyeen, sidaas darteed xilligan aan suura gal aheyn inay goobta bedelaan.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa kala ahaa:

1- Wasiirka Amniga Xasan Xundubey
2- Duqa Muqdisho Cumar Filish
3- Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur
3- Musharax Madaxweyne Mustafa Dhuxulow