Sacuudiga oo sheegay in ay burburiyeen diyaarad ay lahaayeen Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhawaaqday, burburinta diyaarad Drone ah oo ay Xuutiyiinta Yaman, la damacsanayeen in ay Qaraxyo kaga geeystaan gobalada koonfureed ee Boqortooyada Suudiga.

TV-ga  Dawladda Sacuudiga oo soo xiganaya Sarakiisha isbaheysiga ee la dagaalamaya Xuutiyiinta, ayaa sheegay in ay burburiyeen diyaarad nuuca aan duuliyaha wadin ah  oo ay Xuutiyiinta  lahayeen.

Afhayeen u hadlay  Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegay in isku dayga lagu weerarayo dadka rayidka ah ay ka dhigan tahay dambiyo dagaal, oo aan loo qiil dayi Karin.

Kooxda Xuuthiyiinta  ayaa dhankooda sheegay in dhawan ay bartilmaameedsadeen garoomada diyaaradaha dagaalka xulifada Sacuudiga, oo uu ka mid yahay garoonka Diyaaradaha ee Abha, kaasi oo ay shegeen in ay ka soo kacaan diyaaradaha Dagaalka ee qumaatiga u kaca.

Waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa shalay warbixin ay soo saartay ku shaacisay inay liiska madow ku dartay  xubno ka mid ah Madaxda Xuutiyiinta.