Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu dhawaaqay

Abaanduullaha Guutada 10aad Col. Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa Kormeeray Saldhiga Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, isagoo u kuurgalayay xaaladda amni ee degmada iyo shaqada muhiimka ah ee ay Bulshada Ciidanka u hayaan.

Gaashaanle Cabdi Sheekh Xasan Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay soo dhoweynta Abaandullaha Guutada 10-aad Cismaan Sheikh Cabdi Qorax ayaa sheegay in ay ciidanka mar kasta heegan ugu jiraan badbaadinta shacabka naftooda iyo maalkooda,islamarkaana si weyn uga shaqeynayaan amniga gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Abaanduule Qorax ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay dardar geliyaan sugida amniga iyo in la iska kaashado sidii dalka looga saari alaaha Al-Shabaab oo dhibato ku haya dadka.

Xaaladda amni ee degmada Baardheere ayaa ah mid wanaagsan, waxaana ka howlgala ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuw nabad sugida iyo ciidanka Xoogga dalka oo dagaal adag kula jira  Al-Shabaab.