Booliska Myanmar oo toogtay mudaaharaadayaal

Booliska Myanmar ayaa Axadda maanta ah rasaas ku furay mudaaharaadayaal iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof qaar kalena ay ku dhaawacmeen, tani oo ah maalintii ugu dhiig daadashada badneyd ee toddobaadyadii la soo dhaafay ee ay socdeen dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembiga militari.

Haweeney ayaa sidoo kale u dhimatay tuhun looga shakiyay wadne xanuun ka dib markii booliska ay bam gacmeedka dadka looga nixiyo u adeegsadeen macallimiin ku mudaaharaadayay magaalada Yangon, gabar ay dhashay iyo saaxiibkeed ayaa sidaas sheegay.

Myanmar ayaa ku jirtay fowdo tan iyo 1-dii February oo ay ciidamadu la wareegeen xukunka isla markaana xireen hogaamiyaha la doortay ee dalkaasi Aung San Suu Kyi iyo inta badan hogaankeeda xisbigeeda, waxaana ay ciidamadu ku andacoonayaan in wax isdaba marin lagu sameeyay doorashadii bishii November ee xisbiga Suu Kyi uu sida aqlabiyadda ah ugu guuleystay.

Tallaabada booliska ayaa timid ka dib markii telefishanka qaranka uu shaaciyay in ergayga Myanmar ee Q.M. shaqada laga eryay sababo la xiriira inuu dalkiisa khiyaamo ku sameeyay, mar uu ku booriyay Qaramada Midoobay in ay adeegsato “qaab kasta oo lagama maarmaan ah” si ay militarigu xukunka gacantooda looga bixiyo.