Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku booqday Imaan Maxamed Yuusuf, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadii shalay lagu rasaaseeyay gaariga imaamka iyo duubab dhaqan oo la socday.
Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa iyaguna Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo garowshiyaha.
Dhanka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gurigiisa ugu tagay Imaamka, waxaana ay sheegeen in loo bahan yahay in baarintaan dhab ah loo sameeyo sida ay wax u dhaceen.



