Kuxigeenada Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Md, Xasan Candulqaadir Maxamed iyo Cusmaan Xasan Cosoble ayaa safar shaqo ku tageen Xarunta Laanta 3aad ee HSJ ee Magaalada Baydhabo.
Agaasimaha Laanta 3aad Md, Cumar Xaaji Ibraahim ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Shaati Guduud ee Magaalada Baydhabo. Ujeedada Safarka K/xigeenada Agaasimaha Guud ayaa ah Kormeerka adeegyada Hey’adda bixiso. Iyo sidoo kale u kuurgelidda baahiyaha ay qabaan Xafiisyada Bixinta adeegga. Agaasimaha Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudaha Marwo Fahmo Xasan Maxamed ayaa qeyb ka ah safarka K/xigeenada Agaasimaha Guud ay ku tageen Magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiinta Hey’adda ayaa maalmihii ugu dambeeyay kormeer kuwaday Xafiisyada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Gobolada si loo dardargeliyo shaqada ka socota Degmooyinka Dalka. Ugu dambeyn K/xigeenada Agaasimaha Guud ayaa Saraakiisha kula dardaarmeen in ay ilaaliyaan Shuruuxda iyo Habraacyada lagu bixiyo adeegyada kala duwan ee Hey’adda.



