Maamulka degmada Deyniile ee Gobolkan Banaadir ayaa faah fahin ka bixiyay dil degmada deeyniile saaka loogu geystay saddex Haween ah oo la sheegay inay ka Shaqeynayeen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho
Rag hubeysan ayaa Saddexda Haweenka ah oo laba kamid ah ay xaamilo ahaayeen waxaa ay ku dileen meel dhowr tallaabo u jirta hoygooda oo ku yaal degmada Deeyniile, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.
Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga degmada Deeyniile Cabdiqaadir Cali Faracadde ayaa sheegay in Saddexda Haweenka ah laba kamid ah ay wada dhasheen laguna kala Magacaabi jiray Fartuun Xasan iyo Muno Xasan halka midda Saddexaad lagu Magacaabi jiray Faadumo Sheekh Nuur.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Saddexda Haweenka ah ay kamid ahaayeen Shaqaalaha xafiiska taliyaha Ciidamada xoogga dalka, isla markaana dilkooda ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab.
Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka saaka degmada Deeyniile loogu geystay Saddexda Haweenka ah kana mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.



