Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ku baaqay in la qabto shir deg deg ah oo looga hadlaayo xaalada siyaasadeed ee dalka.
Warsaxafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu dhaweeyay go,aankii maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Goluhu wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo shirkaas kaga qayb geli karo hab maamuus murashax oo lamid ah kan murashaxiinta haddi aanu tartanka ka tanaasulin.




