Dowladda isutaga Imaaraadka carabta ayaa si kulul waxaa ay u cambaareeysay weerarkii qarax ku bilaawday ee Maalin ka hor lagu qaaday hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso oo lagu doonayay in lagu wiiqo xasiloonida dalka Soomaaliya.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa eheladda dadkooda ku waayey fal-dambiyeedkan foosha xun. Waxaan soo kabasho deg-deg ah u rajeynaynaa kuwa ku dhaawacmay weerarka ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii lagu qaaday Hotelka Afriik ay ku dhinteen 9 qof oo Afar kamid ah ay ahaayeen dableydii weerarka soo qaaday iyo 5 kale oo uu ugu caansanaa Janareel Maxamed Nuur Galaal oo xalay lagu Aasay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Hotelka afriik , iyaga oo sheegay in bartilmaameedka koobaad ee weerarkooda uu ahaa Janareel Maxamed Nuur Galaal


