Dhageyso:- Maxaa laga filan karaa Shirka Dhuusamareeb?

Gelinka dambe ee Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir , kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa xalay ku hoyday Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda saddexda dowlad Goboleed ee taageersan dowladda, sida Madaxweynaha Hir-Shabeelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Madaxweynaha Galmudug oo shirka marti-gelinaya, halka Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland  & gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay Maanta tegayaan.

Hadaba maxaa filan karaa Shirka Magaalada Dhuusamareeb Dr Xasan Sheekh Cali ayaa ka jawaabaya