Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay, 29 kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo baabuur loo adeegsaday, kuwaa oo ka dhacay waqooyi galbeed ee Suuriya, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka iyo wariyeyaasha warbaahinta maxaliga ah.
Qaraxyadan oo ahaa kuwo is xigxigay ayaa ka dhacay magaalada Azaz iyo tuulo kale oo 50-km u jirta, waxaana goobaha wax ka dheceen gacanta ku haya dagaalyahannada mucaaradka Suuriya ee xulafada la ah Turkiga.
Turkiga iyo dagaalyahanada xulafada la ah ee Syria ayaa gacanta ku haya qaybo badan oo kamid ah waqooyiga Syria, waxayna isku dhacsanyihiin ciidamada dowlada iyo xoogaga Kurdiyiinta ee ay hogaamiyaan, kuwaas oo ay Ankara u aragto in ay yihiin “argagixiso”.
Goobaha ay ka taliyaan fallaagadaan ayaa waxaa ka dhaca weeraro soo noqnoqda oo inta badan aysan dhinacna sheegan.
Difaaca madaniga ah ee Siiriya, oo ah koox samatabbixin ah oo ka howlgasha qeybaha ay gacanta ku hayaan fallaagada ee Siiriya, ayaa sheegay in ay ka jawaabeen 11 qarax oo ka dhacay waqooyiga galbeed ee dalkaasi tan iyo bilowgii bishii Janaayo kahor, halkaas oo ugu yaraan 11 qof lagu dilay.
Dhinaca kale, wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in hal qof oo Suuriyaan ah la dilay, afar kalena lagu dhaawacay waqooyiga-bari ee magaalada Hassakeh ee gobolka Deir Az Zor, ka dib markii Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya ee uu hoggaaminayaan Ciidamada Dowlada ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal dowladda ka soo horjeedday.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Kurdiyiinta, Laakiin saraakiisha Kurdiyiinta ayaa horay u sheegay in ay jawaab ka bixinayaan ciidamada dowlada oo go’doomiyay, waxayna dhibaateeyaan xaafadaha ay ku badan yihiin Kurdiyiinta ee waqooyiga galbeed ee gobolka Xalab halkaas oo ay dowlada maamusho.
Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Siiriya ee fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in ciidamada dowlada ay go’doomiyeen aagaga Kurdiyiinta waqooyiga galbeed ee Xalab muddo bilooyin ah, iyaga oo ka hortagaya in ay soo galaan cuntada iyo sahayda caafimaad.
Ciidamada Kurdiyiinta ayaa ka jawaabey iyaga oo xayiraad saaray goobaha ay dowlada maamusho 21-kii maalmood ee ugu danbeeyey.



