Dhageyso:-Muxuu C/raxmaan C/Shakuur uga baaqday Shirka Garoowe?

SAWIRKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka baaqday ka qeyb-galka shirka ay isugu tageen Mucaarad & Muxaafad ee ka socda Magaalada Garoowe.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha keenay in uu ka baaqdo shirkaas ayaa sheegay in aysan muhiim aheyn in Mucaaradka oo dhan ay tagaan shrkaas, sidaas daraadeed uu isaga Muqdisho u joogo in qaladaadka ay galeyso dowladda uu u sheego.

Waxaa uu sheegay in Shirka Magaalada Garoowe ay ka joogaan saaxiibo badan oo isugu jira Mucaarad & Muxaafad, isla markaana uu isaga uga baaqday in uu ilaaliyo dowladda waxna u sheego markii ay wax qaldan ku dhaqaaqdo.

Hoos Ka Dhageyso Codka  Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame  uu ku sheegayo sababta uu uga baaqday Shirka Magalada Garoowe.