Lix Sano ka dib xadka Jabuuti iyo Soomaaliland oo la furay

Waxaa dib loo furayaa isku socodka shacabka iyo gaadiidka xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland oo dhowr sannadood  u xirnaa sababo amni dartood.

Arrintan ayaa ka dhalatay kulammadii ay wada yeesheen madaxda Jabuuti iyo kuwa Somaliland oo maalmahanba safar ay ku joogeen dalka jabuuti uu shalay uu u soo dhamaaday.

Sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii Jabuuti ay gebi ahaanba xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliland ka dib qarax xilligaasi ka dhacay dalka Jabuuti inkastoo markii dambe dib loo furay.

Hase yeeshee labadii sannadood ee ugu dambeeyay ayaa hadana dib loo xiray oo waxaa la diiday iney xadka ka gudbaan dhammaan gaadiidka ka yimaada Soomaliland.

Baabuurta rakaabka iyo xamuulka ah, ma aysan dhaafi jirin xadka oo waxaa la sameyn jiray agabka iyo rakaabkuba waxaa lagu wareejin jiray gawaari kale oo u sii gudbineysa gudaha Jabuuti.

Arrintan oo dhibaato ba’an ku haysay shacabka ayaa waxaa xallinteeda shaaciyay madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uuna sheegay inay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

“Waxaan madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumadiisuba uga mahadcelineynaa in dhibaatadii ka jirtay xadka la dhameeyay ayuu yiri” Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

Soomaliland iyo Jabuuti ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay lahaayeen xiriir joogto ah oo sababay in dib loo furo xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland oo dhowr sanadood u xirna sababo amni.