Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo dad badan ku xir xiray Beledweyne

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,iyaga oo xaafadaha qaar ee Magaalada ka sameynaya howlgallo kala duwan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa Joojiyey dhamaan isku socodka gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee wadooyinka Beledweyne.

Howlgalka Ciidamada AMIOSM iyo kuwa dowladda ee Beledweyne ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in lagu qabtay in ka badan 10 ruux, kuwaas oo la geeyya Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne.

Wararka kale ee laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayan in xalay dad careeysan wadada laamiga ah ee isku xirta Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ay ku jareen dhagxaan farabadan, hayeeshee ay Ciidamada qaadeen.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan weli kama hadlin howlgalkaas iyo dadka la xirxiray, hayeeshee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha ay ka dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal.