Ganacsatada jaadka keeni jiray Soomaaliya oo uu saameeyay khilaafka Soomaaliya & Kenya

Ganacsatada Soomaalida ah qaadka ka keeni jiray dalka Kenya & kuwa uga Shaqeynsan jiray Gudaha dalkaas ayaa waxaa ay sheegeen in uu saameyn weyn ku yeeshay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladaha Soomaliya iyo Kenya.

Qaarkood waaa ay sheegeen in xilligaan ay aad uga walaacayaan nolosha qoyskooda maadaama uu istaagay Ganacsighii uu ku tiirsanaa Noloshooda, isla markaana aysan ogeyn xilliga dowladda Soomaaliya ay xayiraada ka qaadi doonto Jaadka laga keeno Kenya.

Qar kamid ah ganacsatada jadka dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in muddo 10 bilood aysan Soomali keenin jaadka, taasina ay sababtay in Nolosha qoysaskooda ay halis gasho, sidoo kalena ay soo wajahdo shaqo la’an baahsan.

Waxaa ay sheegeen in dhaqaalo farabadan uu uga lumay qaadka, waxana ay ugu baqeen madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya inay ka heshiiyaan khilaafka ka dhaxeeya si Ganacsigooda ay u sii wataan.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaliya & Kenya ayaa saameyn ku yeeshay ganacsatada Kenya ee Soomaliya keeni jiray jaadka, waxaana ay dhowr jeer dalbadeen in xal laga gaaro khilaafka labada dowladood.