C/raxmaan C/Shakuur” Madaxweyne Farmaajo waan iska bixineynaa”

SAWIRKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne farmaajo in uu dalka ka wado dhibaatooyin kala duwan iyo in uu Bulshada iska horkeeno.

C/raxmaan C/Shakuur oo hadal ka jeediyay Barnaamij looga hadlayay xilliga kala guurka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in Madaxweyne farmaajo uu doonayo in dalka uu gelyo khalalaaso siyaasadeed, hayeeshee Bulshada Reer Muqdisho ay yihiin kuwo aan ka aqbaleyn.

“ Farmaajo wuxuu ku tashanaya Dowlad goboleedyada qaar oo doonayo inay doorashada u boobaan iyo in anaga oo tagaan in la boobo doorashada walaalaheena Somaliland, hadii uusan Puntland & Jubbaland heysan doorashada hanoo daayo anaga & Shariif Xasan ayaa ku tartameeynee ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xilligaan Bulshada Soomaaliyeed ay ka gudbeen in la siro, waxaana uu Bulshada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan bannaanbax Nabadeed iyo inay iska dhex saaraan Madaxweyne Farmaajo oo diidan doorashada la wada ogol yahay in la qabto.