Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey inuu ka qayb geli doono dooarshada madaxtinnio ee dalkaasi ka dhacaysa bisha April ee 2021.
Madaxweyne Geella ayaa markii ugu horreysay xilka loo doortay 9-kii April 1999-kii, waxaana uu kursiga ku fadhiyaa in ka badan 20 sano.
Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu ahaa Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana uu guuleystay dhowr doorasho oo shacabku codeeyeen.
Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa horay ugu eedeeyeen Madaxweynaha dalka Jabuuti in uu ku shubtay doorashada dalka Jabuuti.



