Xasaanad ka xayuubinta 8-da Xildhibaan oo la ayiday

Maxkamadda Sarre ee maamulka Puntland ayaa Axada maanta ah waxay si rasmi ah u ayiday xasaanad ka xayuubinta sideeda Xildhibaan ee ka tirsanaa Golaha Wakiiladda.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda, go’aanka uu baarlamaanka xasaanadda uga qaadey mudaneyaasha 3-dii bishaan December ayaa loo maray hanaan sharci ah.

Xeer-beegtadda oo amar ku bixisay in si deg-deg loo diyaariyo bedelka sharci-dejiyeyaasha ayaa fartay in aysan dib dambe ugu soo laaban karin dhamaan fadhiyada soo aadan ee Golaha.

Qoraalkan ku taariikheysanaa 13-ka bishan December, 2020 waxaa lagu qeexay in Xildhibaanadda “ay ku cadaatay eedeymaha kaga yimid xeer-ilaalinta” oo ahaa jebinta dastuurka iyo xeer-hoosaadka.

Xildhibaanadda xasaanadda laga qaadey ayaa kala ah; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan (jejebsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin