Dacwada lagu oogay Nin Gabdho Soomaali ah ku weeraray Canada

Nin laba gabdhood oo Soomaali ah ku weeraray banaanka suuq weyn oo ku yaala magaalada Edmonton ee dalka Canada Todobaadkaan gdihiisa ayaa dacwad lagu soo ogaay.

Richard Bradley Stevens, oo 41 sano jir ah ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo ah weerar dhanka gacanta ah iyo aflagaado.

Booliska ayaa lagu wargeliyay in ninkan uu laba gabdhood oo xijaaban oo ku jiray gudaha gaarigooda uu ku bilaabay qaylo iyo aflagaado.

Qof goob-jooge ahaa ayaa booliska u sheegay in uu muraayadda daqadda uu dharbaaxay oo ay muraadiyaddii burburtay isla markiina ay gabdhihii ka carareen gaarigoodii halkaas oo uu ninkiina sii ceyrasaday.

Sida ay booliska sheegeen mid ka mid ah gabdhaha ayuu si afgambi ah dhulka ugu tuuray halka markii ay gabadhii kalana isku dayday inay caawiso uu iyadii dhulka ku riday.

“Weerarka haweenkan lagu qaaday waa mid argagax leh,” Ayuu yiri Gary Willits oo ka mid ahaa booliskii kiiskan baarayay.