Musharax Xildhibaan Aqalka Sare Maxamuud Kudun Ximaa ayaa waxaa uu Magaalada Muqadisho casho sharaf ugu Sameeyay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho
Kulanka oo ahaa mid ku saabsan is barasho Iyo isxog Waraysi ayaa sidoo kale Musharax Aqalka Sare Maxamuud Kudun Ximaa kula Kulmay 73 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo Muqadisho u Jooga Howlo Shaqo.
Xildhibaanada Galmudug ee madasha ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay hamiga Maxamuud Kudun Ximaa oo ah Dhalinyaro dalka dibadiisa wax kusoo Bartay, inuu isku soo taago u Adeegidda Deegaanada Galmudug, iyagoona Goobta ka Balanqaaday Inay Codka siinayaan.
Maxamuud Kudun Ximaa oo Xildhibaada la wadaagay ujeedka xilkaan uu u soo raadiyay ayaa sheegay in uusan ku koobnaan Doonin ka shaqeynta Danaha Siyaasadda Galmudug, balse uu dadaal ku Bixin Doono danta dadka uu meteli doono.
Ugu Dambayn Musharrax Xildhibaan Aqalka Sare Maxamuud Kudun Xiimaa ayaa Xildhibaanada Galmudug kaga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen wuxuuna sheegay in haddii uu kursiga ku Guuleysto uu u istaagi Doono Horumarinta Adeegyada Bulshada Guud ahaan deegaanada Galmudug sidoo kalana uu dadka Deegaanada Galmudug ka taageeri Doono Hirgelinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Si Galmudug iskugu Filnaato Mustaqbalka Dhow.




