Dhageyso:- Laftagareen oo soo bandhigay caqabadaha heysta Maamulkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftaagreen)  ayaa sheegay in Mamaulkiisa uu caqabada koowaad ee heysta uu kala kulmay Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in degaano  iyo degmooyin badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay Al-Shabaab go’doomiyeen, isla markaana degmooyinka qaar aan la isugu gudbi Karin.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Afar kamid ah degmooyinka Koonfur Galbeed ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, sidoo kalena weli caqabado amni darro ay ku hayaan degmooyinka koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay waajib tahay in siwadajir ah looga howlgallo in la isku furo wadooyinka degaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed.

Hadalka  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftaagreen) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Al-Shabaab ay mararka qaar dilal qorsheysan, qaarxyo iyo weeraro ay ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Saddexda gobo lee Koonfur Galbeed.