Khasaare ka dhashay dagaal beeleed ka qarxay Hiiraan

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed maanta qarxay degaano hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kal soonan karo.

Inta la ogyahay 5 ruux oo ah dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhintay halka dhaawacuna ku dhowyahay 10 qof.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay Deegaanka Xajiin-farayar oo qiyaastii 15km ujira Degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo salka kuhaya baco iyo baraago laga qodayo nawaaxiga dhulka lagu dagaalamayo ayay xiisadu aheyd mid maalmahanba taagneyd.

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ku baxay colaada ka taagan degaankaasi sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.