Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka hadlay Arimaha doorashooyinka dalka iyo sidoo kale guddiyadii dhawaan lasoo magacaabay ee loo xil saaray arimaha doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay Wasiirka  Xukuumaddu ay ku taagan tahay fulinta qodobdada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo Muqdisho, isla markaana ay wax walba oo la xiriira doorashooyinka ku qabsoomi doonaan xiligii lagu heshiiyey.

Waxaa uu sidoo kale  ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd doorashada.

Wasiir Mukhtaar ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ee ku dagaallamaya gobolka Mudug in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay qaataan nabad, waxaana uu tilmaamay in wasaarada Arrimaha gudaha ay halkaasi u diri doonto Wafdi.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa diiday guddiga doorashooyinka ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ay sidoo kale si cad uga soo horjeesteen xubnaha dowlad goboleedyada qaarkood ay ku dhawaaqeen ee guddiga doorashooyinka.

Musharaxiinta waxa ay sheegeen xubnaha guddiga ay ka kooban yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliska NISA.